Tuesday, June 24, 2025

Dhacdo Naxdin leh oo ka dhacday Magaalada Muqdisho [Haweeney isku daldashay Gurigeeda]

Qiso naxddin leh ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii ay haweeney isku daldashay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Haweeneydan falka ay nafteeda ku daldashay ayaa lagu magacaabaa  Xaawa Cali Maxamed, waxayna arrintan ka dhacdayGuri kudhow Saldhiga Booliska ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo aan la ogeyn sababta ku  kalifay inay falkan ku kacdo.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay dadka degaanka, waxaana qaarkood ay sheegayaan inay haweeneydan la tacaaleysay xanuunka dhimirka ah. Macalin Cabdulle Macow oo ay ehelo ahaayeen marxuumadda ayaa sheegay in meydkeeda ay geeyeen Xarunta Dembi Baarista ee CID-da.

Wuxuu sheegay in muddooyinkii ay Xaawa xanuunsaneysay, balse ay xaaladeedu deganeyd, ayna lama filaan ku noqotay inay is disho. iyadoo isku dhex daldashay qolkii ay ka deganeyd guriga.

Xaawa Cali Maxamed oo da’deeda lagu sheegay 35 sano jir, waxayna dhashay laba wiil. Arrintan ayaa ka mida dhacdooyin aan ku badneyn bulshada Soomaaliyeed oo muslimiin ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON