Monday, June 23, 2025

DHACDO XANUUN LEH: Lix Caruur ah iyo hooyadood oo ku geeriyooday Dab qabsaday Gurigooda

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhacdo xanuun leh ay ka dhacday degmada Yaaqshiid, iyadoo qoys ka kooban 7 qof ay ku geeriyoodeen Dab qabsaday Guriga.

Hooyo iyo 7 Qof ayaa ku geeriyooday Dabka qabsaday Gurigooda saqdii dhexe ee xalay, waxaana kaliya ka badbaaday aabihii qoyskaasi oo dhaawac soo gaaray, arrintaas naxadin weyn ka dhalisay dadka degaankaasi.

Lama oga sababta dabka dhalisay iyo gurmad la’aanta ku dhacday dadkaasi, iyadoo maamulka Gobolka Banaadir ku guuleysan waayay badbaadinta dadkaasi. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Tuulax ayaa farriin soo dhigay baraha bulshada isagoo  tacsi u diray qoyskaasi.

Ad

Waa qasaarihii nafeed ee ugu weynaa ee ka dhasha dab ka kaca magaalada Muqdisho muddooyinkii ugu danbeeyay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON