Wednesday, July 30, 2025

DHAGEYSO: 16 Sano jir ah oo loo magacaabay Guddoomiye ku xigeen Degmo & Jawaab la yaab leh oo uu bixiyey

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa wiil 16 sano jir ah u magacaabay Guddoomiye kuxigeenka degaanka Gamboole oo la sheegay inay noqon doonto degmo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Feysal C/llaahi Cumar oo wareysi siiyay mid ka mida idaacadaha Muqdisho ayaa ka cudurdaartay xilkaasi , wuxuuna sheegay  inuu dhigto Iskuulka Sheekh Xasan Barsane ee magaalada Jowhar, kuna jiro fasalka afraad.

Wuxuu intaas ku daray inuu la yaabay xilka loo magacaabay, markii uu arkay warqad uu saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo isaga loogu magacaabay xilka Guddoomiye kuxigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee degmada Gamboole.

Feysal wuxuu ku dooday in markii hore loo sheegay inuu ka qeyb galayo seminaar, balsw ay  markii danbe ay xaaladii noqotayin loo magacaabo xilka Guddoomiye kuxigeen degmo, wuxuuna caddeeyay inuusan xilkaas diyaar u ahayn xaaladda amniga darteed.

Degaanka Gamboole ayaa ah goob ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab, waxayna  50 KM dhinaca Galbeed ka xigtaa magaalada Jowhar.

DHAGEYSO WIILKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON