Friday, July 4, 2025

DHAGEYSO: Ahlu suna-da Gobollada dhexe waxaa taageerta Iiraan, waxayna faafiyaan Shiicada

Wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shaaciyay in Ahlu Suna-da gobolada dhexe ay taageero ka hesho dalka Iiraan isla markaana Soomaaliya ku faafiso mad-habta Shiicada ah.

Mesegowaa

Wasiirka  warfaafinta Maamulka Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan (Mesagowaay) oo  shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Ahlu suna-da xukunta  Dhuusamareeb iyo Guriceel ay taageero buuxda ka helaan dowladda Iiraan isla markaana ay faafiyaan Mad-habkooda Shiicada ah oo ay doonayaan inay dalka ku fitneeyaan. Galmudug ayaa Ahluna suna ugu yeerta magaca “SUFA”

Lama oga sax ahaanshaha eedeynta ka soo yeeray Maamulka Galmudug waxaase hore u jirtay in Suufiyada magaalada Muqdisho ay xiriir weyn la yeesheen Iiraan gaar ahaan safaaradda Muqdisho.

DHAGEYSO WASIIRKA WARFAAFINTA GALMUDUG

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON