Sunday, July 27, 2025

DHAGEYSO: Alshabab oo war la yaab leh kasoo saartay Tahriibayaashii ku dhintay Badda Dhexe

Xarakada Alshabaab ayaa war kasoo saartay Dhacdadii Dhalinyarada Soomaalida ku dhinteen Badda Dhexe ee u dhaxeysa  Talyaaniga iyo Liibiya, waxayna Alshabaab tacsi u direen eheladii dadkii tahriibta ku dhintay.

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa soo saaray mowqifka Alshabaab, waxaana ka muuqatay in Alshabaab u damqaneyso dadkaasi oo ay ku tilmaameen dad muslimiin ah oo dhibaato ku dhacday.

Wuxuu dhibaatada dhalinyarada ku kaliftay inay tahriibaan dusha u saaray Gaalada oo dhalinyaradoodii ay ku noqdeen kuwo shaqo la’aan ah oo gebi ahaanba kheyraadkoodii loo gacan geliyay ajnabi iyo shirkado shisheeye.

Sheekh Cali Dheere wuxuu tusaale u soo qaatay in Dekadda Muqdisho oo in ka badan 5,000 shaqaale ay ka xoogsan jireen in shisheeye la siiyay, sidaas oo kalena uu yahay garoonka Muqdisho.

DHAGEYSO CODKA SHEEKH CALI DHEERE

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON