Amiin C/qaadir Amiin wuxuu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo shaqeeya dowladda Soomaaliya, isagoo ahaa Khasnaji Bankiga Dhexe u fadhiya Dekadda Muqdisho.
Kiiska caloolxumada badan ee ah cadaalad darro lagula kacay muwaadinkan oo ah nin muddo dheer u shaqeynayay Bankiga Dhexe waxay salka ka heysaa inuu ka soo jeedo beelaha Banaadiriga.
Waxaa lagu masabitay Lacag uusan qaadan iyadoo nin agaasime ka ahaa xafiiskiisa uu lacagtaasi ku takri falay.
Si aad sheekadan u fahamto:
Ninka agaasimaha ah ee lacagta qaatay waxaa lagu magacaabaa: Cabdi Maxamed Abuukar (Dhiiley), wuxuu ku dhistay guri.
Agaasime ku xigeenka Bankiga Dhexe ee Kiiskan lugta ku leh ahna qofka kiiskan ka danbeysa waxaa lagu magacaabaa Maryan Macalin.
Muwaanka qisan oo dhami ku dhacday waa Amiin C/qaadir Amiin oo hadda dhuumaaleysi ku nool, lana sheegay inuu aaday degaanada Alshabaab ka taliso.
Lacagta la qaatay waxay gaareysaa: $204,000, waxaana markii ugu danbeysay ku maqneyd Cabdi Maxamed lacag dhan 48-kun Doolar.
HOOS KA DAARO QISADA XANUUNKA LEH
Goobjooge.com