Siyaasiga C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa afka furtay maanta isagoo dheegay in weerarkii lagu soo qaaday lagu doonayay in lagu khaarijiyo.
Shir jaraa’id oo uu gurigiisa ku qabtay ayuu siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ku sheegay in weerarka lagu soo qaaday uu ka dambeeyey madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayna si toos ah u hagayeen Farmaajo, Kheyre iyo Fahad Yaasiin.
Wuxuu siyaasiga soo taxay eedo uu dusha u saaray madaxda sare ee dalka, isagoo sheegay in wixii ku dhacay isaga iyo waxa ku dhici doona loo heysto Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wuxuu sheegay inuu hayo liis xildhibaanno iyo siyaasiyiin la doonayo in la khaarijiyo oo madaxtooyada laga soo abaabulayo, wuxuuna dafiray hadal kasoo yeeray oo ahaa in Muqdisho marti ku yihiin madaxda hadda xilka heysta.
DHAGEYSO