Madaxweynihii hore oo Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare
ayaa kashifay lacagta faraha badan ee lagu bixiyay kursi lagu doortay Magaalada Garowe.
Faroole oo ka hadlayay xaaladda abaaraha iyo sida loogu baahan yahay in loogu gurmado ayaa soo hadal qaaday musuqa baahsan ee ka dhacay Doorashada 2016, gaar ahaan magaalada Garowe.
Wuxuu sheegay inuu warbixinteeda hayo kursi lagu bixiyay lacag dhan Hal Milyan oo Doolar (1,000,000). wuxuuna arrintaas ku tilmaamay wax laga naxo.
DHAGEYSO CODKA FAROOLE
Goobjooge.com