Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa inkiray inay wax musuqmaasuq ah ka jiraan doorashada 2016.
Wuxuu sheegay inuu ka xun yahay musuqmaasuqa laga soo sheegayo doorashada Soomaaliya, wuxuuse meesha ka saaray in madaxda sare ay ku lug leeyihiin musuqmaasuqa, wuxuuna isku difaacay in ergada wax dooraneysa ay soo xuleenm odayaal dhaqan oo gobollada dalka ku kala sugan, isla markaana aanay doorashadu ka dhicin Muqdisho.
Isimada Puntland ayaa hore Cumar C/rashiid ugu eedeeyay inuu ka mid yahay mas’uliyiinta musuqa ka sameysay doorashda isagoo maroorsaday kursiga uu ka soo baxay aqalka Sare.
DHAGEYSO CUMAR C/RASHIID