Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku eedeeyay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ka hor degay heshiiska Puntland iyo xukuumadda Soomaaliya gaareen oo uu doonayay inuu si ula kac ah u fashiliyo heshiiska.
Gaas ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in tallaabada uu qaaday ay ahayd tan Soomaaliya maanta dhigtay halka ay taallo oo saddex sano iyo bar laga hadlayo halkii looga bixi lahaa, wuxuuna muujiyay inuus si weyn uga xun yahay tallaabadii uu qaaday madaxweynaha Soomaaliya.
Dhinaca kale C/weli Gaas wuxuu ammaan weyn u jeediyay Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom oo uu sheegay inuu damaanad qaade buuxa ka yahay heshiiska.
DHAGEYSO KHUDBADII C/WELI GAAS EE HESHIISKA 4.5
Goobjooge.com