Monday, July 14, 2025

DHAGEYSO: Dood kulul oo xildhibaanada Baarlamaanka ka yeesheen dhul-balaarsiga Kenya

Dood aad u kulul ayaa maanta ka dhacday xarunta Baarlamaanka Soomaaliya oo doodiisu maanta ahayd kaliya arrinta ku saabsan Derbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduudka Soomaaliya oo gudaha ay u soo gashay, isla markaana ay baabi’isay calaamadihii xuduud beenaadka labada dal.

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa ugu horeeya oo si kulul oo aan hore loo arag uga hadlay arrintan isagoo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay qoryaha qaataan oo is difaacaan, wuxuuna caddeeyay inaysan jirin wax dowlad iyo xukuumad ah oo dalka ka jirta.

Arrinta Xuduudka iyo dhaqdhaqaaqa ay Kenya ka wado ayaa soo jiitay xubnaha Baarlamaanka oo helay arrin cusub oo ay xukuumadda jirta ku qabsadeen, waxaana loo yeeray wasiirada Arrimaha gudaha iyo dibadda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON