Kulanka Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa maanta waxaa looga hadlay Arrimo badan oo ay ka mid yihiin:
- Xaalada ka dhalatay Elnino
- Xaaladda ammaanka
- Sharciga iskaashiga caafimaad ee dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya
- Sharciga shaqaalaha wasaaradaha
- Derbiga Kenya ay ka dhiseeyso Xadka ay wadaagaan Labada dal.
Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa dood dheer ka yeeshay arrinta Derbiga Kenya ka dhiseyso xadka Labada Dal, waxaana Golahu uu si cad uga soo horjeestay in Dowladda Soomaaliya aysan raali ka aheyn Dhismaha Darbigaasi islamarkaana aan Dowladda Federaalka lagala tashan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo kulanka ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay mowqifkeeda cad yahay oo aysan aqbali doonin Darbigaasi Kenya ay ka dhiseyso xadka Labada Ddwladood gaar ahaan Balad-xaawo.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda uu u yeeray Safiirka u jooga Kenya Dalka Soomaaliya,kaas oo loo gudbiyay Cabashada Soomaaliya ee Darbigaasi ku saabsan lagana sugayo Jawaab.
DHAGEYSO CODKA WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA
Goobjooge.com