Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa ku dhaawaaqay xilliga la shaacinayo go’aanka kuraasta dib loogu noqonayo Doorashadoda.
Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka C/risaaq Barre Jaamac, ayaa sheegay inay jiraan Kiisas dacwooyin xoog leh oo ka taagan kuraas la doortay xildhibaanadooda, aynago’aano ay ka soo saari doonaan Maalinta Sabtida ah ee 26-ka Novembar.
Kuraasta dib loogu noqnayo ayuu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka in awood loo adeegsaday Doorashadooda ay hakinayaan, arintaasina Guddiga uu awood u leeyahay marka ay iska arkaan guddiga Doorashooyinka dadban.
Magaalada Cadaado ayaa la sheegay inay ka dhaceen doorashooyinkii ugu musuqmaasuqa badnaa oo dacwooyin badan kasoo gaareen Guddiga Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka.
DHAGEYSO GUDDOOMIYAHA GUDDIGA
Goobjooge.com