Guddiga doorashada dadban ee Somalia ayaa maanta soo saaray xeerar lagu hubinayo Anshaxa Doorashada 2016.
Xeerarkan ayaa waxaa ka mida qaar lagu hubinayo in masuuliyiinta haatan talada dalka haya aanay u adeegsan ololaha doorashada xilalka ay hayaan, hantida iyo warbaahinta Qaranka.
Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Muqdisho ayey ku faahfaahinyeen halka ay marayaan howlaha hanaanka doorashada.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada dadban Cumar Maxamuud Cabdulle, Cumar Dhagey ayaa faahfaahin ka bixiyay arrimaha cusub ee Guddigu soo bandhigeen.
DHAGEYSO WAREYSIGA VOA LA YEELATAY GUDDOOMIYAHA GUDDIGA DOORASHADA
Goobjooge.com