Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta isku raacay in la soo hormariyo ansixinta sharciyada muhiimka u ah xaaldda kala guurka ee la xiriira doorashooyinka dalka ka dhici doona aakhirka sanadkan.
Sharciyada la isku raacay in la soo hormariyo ansixintooda waxaa ka mida:
- Sharciga Maxkamada Dastuuriga
- Sharciga Axsaabta
- Sharciga Xuquuqda Aadanaha
- Wax ka badalka Dastuurka KMG ah
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xildhibaaanada u akhriyay shuruucda hor taalla Baarlamaanka, isagoo faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha la isku raacay iyo sida ay u qabsoomayaan kulamada Baarlamaanka ugu danbeeya.
Mudane Jawaari ayaa dhinaca kale waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheeegaya in Baarlamaanka Soomaaliya uu dalbaday in waqti loogu dar, isagoo sheegay inuusan marka yeeli karin waqti uu kororsado Baarlamanka hadda jira, laakiin wuxuu sheegay in dalku aanu ahaan doonin Baarlamaan la’aan..”
DHAGEYSO CODKA GUDDOOMIYE JAWAARI
Goobjooge.com