Guddoomiyihii hore ee Degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisow ayaa lagu eedeeyay inuu lunsaday lacagtii loogu talogalay gargaarka abaaraha degmada Marka.
Wasiirka Gargaarka iyo naafada ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Muuse oo isagu hore loogu eedeeay lunsiga lacagta loogu tala galay dadka ku dhibaateysan ee degmada Marka ayaa beeniyay inuu isagu wax lug ah ku leeyahay arrintan balse Guddoomiyihii hore ee Marka uu yahay mas’uulka falkan ku kacay.
Wasiirka ayaa sheegay in lacagtaasi uu lunsaday gudoomiyihii hore ee degmada Marko Maxamed Cismaan Yariisow, kasoo hadda ku xiran yahay Xabsi ku yaalla duleedka Magaalada Marko oo ay leeyihiin ciidanka AMISOM.
Yariisow ayaa ah hogaamiye kooxeed degaankaasi awood ku leh inkastoo aany wax xil ah ka heynin, waxaana lacagta uu lunsaday lagu sheegay 8000 Doolar.
Dhageyso