Hooyo Soomaliyeed oo Fool ahayd ayaa maanta ku umushay agagaarka Isgoyska Al-Baraka, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay ciidamada Dowladda ay hor istaageen gaarigii ay Saarneed inuu gaarsiiyo Xarumaha Caafimaadka.
Ciidamadan oo wadadda u xirneyd, kana mid ahaa koofiyad casta ilaalada Madaxtooyada ayaa diiday inay haweeneydaasi foosha ahayd ay jidka u furaan ama ay gargaar u fidiyaan, taasoo keenay inay ku dhex dhasho Gaariga, waxaan caawiyey haweeney iyo dad wadadda mareysay.
Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta u Xiran Xuska 12 April ee Ciidanka Xoogga Dalka oo maalin lasoo hormariyey, iyadoo dabaaldega uu ka qeyb galay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
HOOS KA DHAGEYSO QISADA