Sunday, July 13, 2025

DHAGEYSO: Jen. Fartaag oo dib ugu laabtay Kismaayo jawaab kululna u diray Max’ed Cabdi Kaliil

Madaxweyne ku xigeenka waqtigiisu dhammaaday ee maamulkii Jubba Gen. C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo kadib markii uu muddo 3 bilood ah ku sugnaa gobolka Gedo, isagoo sheegay in maamul shaqeynaya oo hoos yimaada Jubbaland uu ka dhisay gobolka Gedo.

Mar la weydiiyay cabashada kasoo yeeraysa Maxamed Cabdi Kaliil guddoomiyaha Gobolka Gedo ee uu xilka ka qaaday Axmed Madoobe ayuu sheegay inuu yahay shaqsi caadi ah oo wuxuu doono ka sheegi kara warbaahinta iyo internet-ka, wuxuuna intaas ku daray in waxqabad loo baahan yahay maamulkoodana uu ka shaqeeyo gobolka.

Maxamed Cabdi Kaliil ayuu sheegay inuu riyo been ah ku jiro marka uu sheegto inaan xilka laga qaadin.

Dhageyso hadalka Jen. Fartaag

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON