Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa iska fogeeyay musharixiinta u tagaan xilka madaxweynaha.
Khudbada musharaxnimada oo uu maanta ka horjeediyay Golaha Shacabka ayuu ku sheegay inaysan jirin cid uu isagu wato ama wadan karo, isla markaana aanay jirin cid isaga wadata, wuxuuna arrintaasi ku tilmaamay mid khaarijin siyaasadeed ah.
Gudoomiye Jawaari ayaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday in aysiiyaan codka oo haddii ay doortaan uu ku shaqeyn doono dhexdhexaadnimo iyo cadaalad.
DHAGEYSO JAWAARI
Goobjooge.com