Guddoomiyaha odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan Nabadoon Dacar Xersi Nuur ayaa sheegay inaysan la kulmin oo wax soo dhoweyn ah aan loo sameyn, haddana aanay dooneynin inay la kulmaan wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya oo hadda ku sugan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
“14 Odayaal ah anigoo hogaaminaya ayaa Muqdisho ugu tegay xafiiska, wuxuuna yiri la kulmi maayo, bal wuxuu reer Hiiraan ka rabo bal is weydiiya.., Anaga madaxweynaha waa noo yimid waan wada hadalnay balan ayuu naga qaaday inuu noo imaanayo, wasiirkan hala weydiiyo madaxweynihii ayaaba noo yimide, wiilkan yar intuu u socdaa…” ayuu yiri nabadoonka oo warbaahinta la hadlay.
DHAGEYSO NABADOON DACAR
Goobjooge.com