Saturday, July 5, 2025

DHAGEYSO: Odayaasha Dhaqanka Gedo: “Doorashadii Axmed Madoobe waxay ahayd xaaraan iyo macsi”

Waxgaradka gobolka Gedo ayaa ku tilmaamay mid xaaraan ah Doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Kismaayo ee Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) loogu doortay inuu noqdo madaxweyne  maamulka Jubbaland.

Dhaqanka

Guddoomiyaha Golaha guurtida Degmada Garbahaarey Nabadoon Buraalle Jaamac Deer ayaa sheegay in doorashadaasi aysan u dhicin si xaq ah, iyadoo loo baahnaa in doorashada ka hor la wada hadlo. “Doorashada dhacday waa mid xaaraan ah, waxaan u aragnaa mid sii hurin karta colaadda goballada Jubooyinka, waxaan u aragnaa in dagaalkii horay u jiray lasoo celinay” ayuu yiri Nabadoon Buraale oo ku eedeeyay Itoobiya iyo Kenya inay Jubbooyinka dib ugu celinayana dagaaladii sokeeye.

Nabadoonku wuxuu   si weyn uga hor yimid isbedelka lagu sameeyay maamulka gobolka Gedo, wuxuuna sheegay inay arrintasi tahay faragelin ay waddo dowladda Itoobiya.

Xaaladda Gobolka Gedo ayaa ah mid kacsan oo xiisad ay hareysay kadib markii ciidamada Itoobiya ee gobolkaasi jooga ay la safteen Axmed Madoobe si qasab ahna ku bedeleen maamulka Gobolka iyo degmooyinka Gedo.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON