Tuesday, June 24, 2025

DHAGEYSO Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga: Yaa ka danbeeyay xayiraadda Sacuudiga ku soo rogay xoolaha Soomaaliya

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan sida loo joojiyay xoolaha Soomaalida ee loo dhoofin jiray dalka Sacuudiga.

Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle oo u warramay BBC-da ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay Wasaaradda Beeraha, Biyaha iyo Bii’ada, wuxuuna caddeeyay inay arrintaas keentay kadib markii dhowr shixnadood oo xoolo ah siiba Lo’ aan caafimaad qabin la geeyay dalka Sacuudiga, lagana helay cudurro uu ka mid yahay Rift Valley.

Cudurrada laga helay xoolaha la geeyay Sacuudiga ayaa waxaa laga helay laba cudur oo hore u keenay in Soomaaliya xoolaheeda muddo dheer laga mamnuuco dalka Sacuudiga, taasoo dhibaato weyn loo maray in laga gudbo.

Safiirkan Daahir Maxamuud Geelle  ayaa sheegay in dhibaatadan ay keeneen ganacsato hareer maray goobihii loogu talogalay in la mariyo xoolaha ee maxjaradda ahaa, wuxuuna ku tilmaamay musiibo.

DHAGEYSO SAFIIRKA

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON