Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inaan siyaasadda Soomaaliya laga dhamaan oo qof waliba ku dhex jiro, isaguna uu ku dhawaaqi doono inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya waqti dhow.
Shariifka oo doorashadii hore si lama filaan uga guuleystay madaxweynaha hadda xilka haya ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u sheegay inuu dib u soo laaban doono haddii mas’uulka ka danbeeyay uu ka fiicnaan waayo isaga.
Isagoo ku sugan dalka Sucuudiga ayuu caddeeyay waqtigu dhow yahay, lana ogaan doono musharaxnimadiisa, laakiin ay dadku xor u yihiin inay ka sii hadlaan.
DHAGEYSO SHEEKH SHARIIF
Goobjooge.com