Sheekh Cali Wajiis oo ka mida culimada waaweyn, kana mida guddiga taakuleynta Qaran ayaa ka sheekeeyay wixii ka qabsaday hotelka Naasahablood 2 oo uu ku xayirmay markii ay Alshabaab gudaha u galeen.
Warbaahinta ayuu uga sheekeeyay sidii uu ku noqoday qofkii ugu danbeeyay ee laga soo badbaadiyay hotelka, isagoo sheegay in qolkiisii lagu dhex dilay haweeney soo gashay markii uu ka baxay kadib.
Sheekh Cali Wajiis ayaa faahfaahiyay casharro uu ka bartay Alshabaab iyo dhaqamadooda, wuxuuna si weyn u ammaanay ciidamada ammaanka ee soo badbaadiyay dadkii hotelka lagu heystay.
DHAGEYSO SHEEKH CALI WAJIIS