Taliyaha ciidamada Puntland Gen. Siciid Maxamed Xersi (Siciid Dheere) ayaa si qoto dheer uga hadlay xaalada ka taagan magaalada Gaalkacyo iyo taariikhdii dib loogu degay ee sanadkii 1993 lagu heshiiyay.
Jeneraalka hogaamiya ciidamada Puntland oo isaga iyo ciidamo la socday ay shalay soo gaareen Gaalkacyo ayaa sheegay inay nasiib darro dagaalada Gaalkacyo ka dhacaya, ayna yihiin gardarro qaawan sida uu yiri in meel laga dhisaayo Maxjar oo labada dhinacba dan ugu jirto in uu heer ciidan isu beddelo.

Wuxuu sheegay inuu ahaa ninkii fuliyay heshiiskii Gaalkacyo ee 1993 isagoo tegey saddex Higlo jabhaddii SNA. “Waa la yaqaaney dhulka sida loo kala deganaa loo kala lahaa waa ayaandarro maanta in sidaas wax u dhacaan, markii heshiiska la galaayey Gaalkacyo”. Ayuu yiri Siciid Dheere oo sheegtay inay dhinaca kale ugu tageen Dhuusamareeb.
“Waxaa dhici karta inay meesha ka baxeen dadkii ogaa sida wax u dhaceen iyo taariikhda oo ay soo baxeen wiilal yaryar oo moodaya in hadda la dhashey muruq iyo awoodna is-biday” ayuu yiri Jeneraalka oo sheegay inay is xakameynayaan oo dagaal aysan dooneyn.
Dhageyso Codka Jeneraal Siciid Dheere