Wednesday, June 25, 2025

DHAGEYSO Taliye Cali Gaab: “Amniga caasimada cid si gaar loogu ogyay ama loogu qabsanayo ma jirto”

Taliyaha Booliska gobolka Banaair General Cali Bare Xersi (Cali Gaab) ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado ammaanka caasimadda, wuxuuna caddeeyay inaysan jirin cid si gaar loogu qabsanayo.

“Waxaan rabaa in ammaanka caasimadda la iska xil saaro, cid gaar loogu ogyahay ama loogu qabsanayo ma jiro, Anigaa ugu sareeya, waxaana ogolahay in shaqadaas la ila qabto..” ayuu yiri taliye Cali Gaab oo iska fogeeyay in ammanka caasimadda isaga si gaara loogu qabsado.

Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo dhowaan xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in ammaanka caasimadda lagu wareejiyay maamulka Gobolka Banaadir, iyagana ay mas’uul ka yihiin wixii ka danbeeyay qaraxyadii SYL iyo Beerta Nabadda, taasoo hadda u muuqata in mas’uul waliba ka cararayo xilka.

Dhageyso Taliye Cali Gaab

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON