Warbaahinta kooxda Alshabaab ayaa baahisay wareysi lala yeeshay naftii-haligihii fuliyay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee lagu qaaday Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho oo lagu dilay xildhibaano dadweyne fara badan oo Soomaaliyeed.
Ninka is miidaamiyay ayaa lagu magacaaba Bashaar Cumar Aadan oo xarakadu u taqaanay (Abuu Layth), wuxuuna ka mid ahaa maleeshyada Xarakada Al Shabaab ee tababarka ay siiyeen kooxdaasi, wuxuuna sheegay inuu dhiigiisa u huray diinta sida uu yiri.
Is-miidaamiyaha ayaa hadalladiisa ka muuqday inuu yahay qof si weyn loo diyaariyay oo loogu cabbeeyay fikradaha Alshabaab ee is-miidaaminta, wuxuuna dardaaran u jeediyay saaxiibadii ay isku ururka yihiin iyo ehelkiisa, wuxuuna si gaara ugu duceeyay Amiirka Alshabaab.
DHAGEYSO QEY KA MIDA HADALKA IS-MIIDAAMIYAHA
Goobjooge.com