Tuesday, June 24, 2025

DHAGEYSO: Wasaaradda Amniga oo War kasoo saartay Xaaladda Amniga Magaalada Muqdisho

Wasaaradda Amniga Somaliya ayaa  war ksoo saartay xaaladda ammaanka magaalada Muqdisho iyo tallaabooyin loo qaaday sidii loo xoojin lahaa nabadgelyada.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Somaliya C/casiis Cali Ibraahin (Xildhibaan) ayaa sheegay ciidamada ammaanka inay kordhiyeen hawlgalada ay ku xaqiijinayaan ammaanka caasimadda, isla markaana si weyn loo hubinayo Gaadiidka Magaalada.

Wuxuu intaas ku daray in qorshaha adkeynta ammaanka Muqdisho uu salka ku hayo sidii looga hortagi lahaa  weerarrada kooxda Alshabaab ka fuliyaan gudaha magaalada iyo goobaha bulshada isugu timaado.

Afhayeenka Wasaaradda amniga ayaa ka codsatay shacabka inay Wasaaradda amniga kusoo wargeliyaan dadka ay ku arkaan iyagoo ku guda jira falal amni darro ah.

DHAGEYSO AFHAYEENKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON