Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay qirtay inuu socon waayay qorshihii dowladiisa ku dooneysay inay maamulada dalka u dhisto.
Isagoo ka hadlayay shirkii Qurbo joogta ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in beelaha qaarkood ay sheegteen inaysan degmooyin lahayn oo aanay waxba la wadaagi karin beelaha kale ee degmooyinka kale, wuxuuna caddeeyay in beelo is abaabulay oo doonaya inay maamulo dhistaan ay noqotay inay dowladdu hor taagnaato, sidaasina waqtigii ku dhammaado.
DHAGEYSO MADAXWEYNAHA
Goobjooge.com