Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa ka hor-yimid go’aankii Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ku sii daayey siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Isagoo shir jaraaa’id qabtay ayuu Dr. Axmed Cali Dahir sheegay in go’aanka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir uu ahaa mid baal marsan sharciga, isla markaana ay ka qaadanayaan racfaan sharci ah.
“Xafiiska Xeer Ilaalinta wuxuu racfaan ka qaadanayaa go’aankii Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo aan u arango in aanu sharciga waafaqsaneyn, maadaama waxa laga doodayay ay aheyd in muddo xafiiska xeer ilaalinta la siiyo oo baaris ku sameeyo, dacwada marxaladii u horeysay ayay mareysaa,waxaan heynaa caddeymo noo saamaxaya inaan amar maxkamadeed la’aan soo qabano eedeysnaha marka qodobo gaara ay jiraan…” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
Dacwadda ka dhanka ah C/raxmmaan C/shakuur ayaa u muuqata mid aan dhammaan iyadoo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maxamed u muuqday inuu dhinacu xaglinayo markii uu diiday racfaan laga qaadan karo go’aankiisa, taasoo aan hore u dhicin.
DHAGEYSO XEER ILAALIYAHA