Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in xaaladii ammaanka magaalada Muqdisho uu kasii darayo.
“Dalkan hore ayuu dagaal ugu jirayo, waan inaad Warmahaada afeysataa in hal mar madaxdii dowladda dagaal ku dhawaaqaan, kadibna sidaan xaalku noqdo mas’uulliyad darro ayay noqoneysaa..” ayuuu yiri Xildhibaan Jeesow.
“Anigu waxaan qabaa inay khalad ahayd in dagaal lagu dhawaaqo adigoo aad dagaal ku jirtid oo taliyeyaashii la bedelo, dagaalna lagu dhawaaqo iyadoo aysan waxba diyaar ahayn, waxaan dareemayaa fududeyd weyn..” ayuu yiri xildhibaanka oo u warramay Radio Risaala.
“Waa nasiib darro in tuute la lebisto oo madaxtooyada dhexdooda la isku sawiro, shacabkii Soomaaliyeedna ay dhintaan…” ayuu sii raaciyay xildhibaan Daahir Jeesow oo madaxweyne Farmaajo u sheegay in hadalladiisii ay dad badan u dhinteen, loona baahan yahay ficil balse laga daalay hadal.
Goobjooge.com