Friday, June 27, 2025

DHAGEYSO: Xildhibaanada Digil & Mirifle oo eedeyn ba’an u jeediyay Puntland

45 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeeda beelaha Digil & Mirifle ayaa qeylo dhaan ka soo saartay tacadi ay sheegeen in lagu hayo dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Tacadiyada ay sheegeen in Puntland, siiba magaalada Gaalkacyo loogu geysay dadkaasi waxaa ka mida:

  1. In dad shacab ah la soo qabto oo loo geliyo dhar ciidan kadibna Alshabaab lagu eedeeyo.
  2. Jirdil lagu sameeyo dadkaasi oo qaarkood xubnaha taranka laga jaray
  3. In si bareer ah loo dilo dadkaasi, qaarkoodna lagu jiiday  iyagoo baabuur lagu daba xiray
  4. In dadkaasi qaarkood si sharci darro ah guryo loogu xirtay, laguna heysto.

Xildhibaan Maxamuud Xuseen Isxaaq (Afaraale) ayaa la hadlay saxaafadda isagoo faahfaahin ka bixiyay dhibaatooyinkaasi, wuxuuna ugu baaqay  maamulka Puntland inay si degdeg ah u joojiyana tacadiyada socda.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland ayaa beeniyay tacadiyada ay sheegeen xildhibaanada Federaalka isagoo sheegay inaysan waxba kala socon xaaladda Puntland.

DHAGEYSO XILDHIBAAN AFARAALE

 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON