Qaar ka mida degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka bilowday kacdoon ay wadaan dhalinyarro xaafadeed qaab madani ah isu abaabulay si ay uga hortagaan falal amni darro oo xaafadahooda ku soo kordhay.
Goobaha dhalinyaradan iska abaabuleen ayaa waxaa ka mida xaafado ka tirsan degmooyinka Wardhiigley iyo Howlwadaag oo ah kuwa ugu darran ee ay ka dhacaan falalka amni darrada ah sida dhaca iyo afduubka.
Xaafadaha qaarkood ayaa loo diiday inay habeenkii maraan Mooto-Bajaajta oo loo arko in lagu fuliyo fal dembiyeedka, waxayna dhalinyarradan ku hubeysan yihiin Baangado, ulo iyo qalab kale iyadoo dhagxaan ku xiray wadooyinka xaafadahooda.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii xaafadahaasi ku soo bateen kooxo burcad ah oo dhibaato ku heysa dadweynaha, iyadoo ciidamada amniga caasimadda aysan wax weyn ka qaban.