Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in shirkii maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo la filayay inuu dib uga furmo ay caqabado kale soo wajaheen.
Shirka oo ay tageen odayaal iyo duubab dhaqameed ka socda gobolka Hiiraan ayaa la xaqiijiyay inay heysato dhaqaale la’aan ka dhalatay markii Xafiiska UNSOM ee bixinaya dhaqaalaha ku baxaya shirka uu hakiyay lacagtii, taasoo ay ugu wacan tahay arrimo is biirsaday iyo kharashaad fara badan oo hore loo galay.
Shirka ayaan weli furmin, waxaana ka tegay magaalada Jowhar duubabka gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo Madaxtooyada Soomaaliya laga sugayo dhaqaale ay ku sii wado shirka, kadib caqabada soo wajahday shirka.
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Odowaa ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho iyadoo aan wax guul ah laga gaarin in Duubabka diidan shirka Jowhar lagu qanciyo ka qeyb galkiisa, xilli magaalada Beledweyne laga furay shir dib u heshiisiin ah.
Goobjooge.com