Dhaqaatiir Shiinees ah oo Itoobiya ka taageeraya dagaalka lagu jiro cudurka Coronavirus ayaa maanta gaaray magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.
Dhaqaatiirtan oo ka kooban 12 xubnood ayaa ku takhasusay cudurradda faafa, waxayna khibrad u leeyihiin Coronavirus, iyadoo dowladda Shiinaha ay Itoobiya ka kaalmeyneyo sidii ay uga saacidi lahaayeen cudurka Covid-19, waxayna Itoobiya joogi doonaan muddo 15 maalmood ah.
Dhaqaatiirta Shiinees oo galabta lagu so dhoweeyay Garoonka Diyaaradaaa magaalada Addis ababa ayey sheegtay safaaradda Shiinaha ee dalka Itoobiya inay soo direen guddiga caafimaadka ee Sichuan, waxayna ka socdaan Isbitaalka Galbeedka Shiinaha ee Jaamcadda Sichuan iyo Chengdu University of Traditional Chinese Medicine.