Khabiir Shiinees ah oo ka mida Proffesoorada Jaamacad ku taalla dalka Mareykanka ayaa toogasho lagu dilay, isagoo gacanta ku hayey baaritaanka cudurka Covid-19 isgoo ku dhowaa inuu helo qaab dhismeedka virus-ka Corona.
Dhaqtarkan Bing Liu oo kaaliye Proffersor ka ahaa Jaamacadda Pittsburgh ayaa toogasho lagu dilay oo ku yaala Ross Township, Waqooyiga Pittsburgh, waxaana meel u dhow laga helay meyka nin kale oo Gaari ku dhex jira, una muuqda inuu is-dilay markii uu Dhaqtarka Shiineeska ahaa dilay.
Booliska ayaa sheegay inay u muuqato in ninka dilka geystay ay is yaqaaneen Bing Liu, balse ay wadaan Baaritaan, waxaana rasaas looga dhuftay qeybta sare ee jirkiisa oo dhowr jeer la toogtay.

Saaxiibada Dr. Bing Liu ayaa sheegay inuu ahaa cilmi baare sare oo wax badan a ogaa cudurka Coronavirus, isla markaana qarka u saarnaa inuu helo qaab dhismeedka coronavirus, awoodda uu dadka ku weerarro iyo unugyadiisa.
Booliska ayaa sheegay inaysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in Dr. Liu loo beegsaday dhalashadiisa uu China kasoo jeeday, waxayna bayaan ay soo saartay Jaamacadda uu ka tirsnaa ay tacsi ugu dirtay qoyskiisa iyo saaxiibadiis.
Xubnaha kuliyadii uu ka tirsanaa ee School of Medicine, Jaamacadda Pittsburgh ayaa sheegay in Dr. Liu uu aha Baare Sare oo wax weyn kusoo kordhyey Jaamacadda, ayna sii wadi doonaan howshii uu qabyada uga tegay ee fahamka Coronavirus.