Thursday, July 3, 2025

Dhaqtarkii 2aad ee laga helay Cudurka Coronavirus oo Arrimo badan ka hadlay (Dr. Nasiim: “Ma garanayo sida aan ku qaaday)

Dhaqtarkii labaad ee laga helay magaalada Muqdisho cudurka Coronavirus ayaa ka hadlay xaaladiisa iyo sida uu maleynayo inuu cudurkan ku qaaday.

Dr. Maxamed Cismaan Maxamed (Nasiim) oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, kuna howlanaa la-tacaalida dadka uu cudurkan soo ritay ayaa sheegay inay haatan xaaladdiisu wanaagsantahay oo ay ka yaraadeen calaamadihii uu horay isugu arkay sida qufaca iyo neeftii ku dhageysay.

”Ma garanayo sida aan ku qaaday xanuunkan iyo qofka aan ka qaaday balse waxaan u maleynayaa iney yihiin dadkii uu haleeyay fayraska ee aan la tacaaleynay”, ayuu yiri Dr Maxamed Nasiim oo u warramay BBC-da.

Wuxuu sheegay Dr. Nasiim inay aad u adag tahay in qofkku ku negaado guriga, isagoo bartay inuu subix waliba kaco oo shaqa tago, isagoo aan la qabsan karin nolosha guri joogga ah, sida uu yiri.

Dr. Maxamed Cismaan Maxamed (Nasiim)

Dr. Maxamed Cismaan wuxuu Bulshada Soomaalida u jeediyay talooyin muhiim ah oo la xiriira coronavirus. ”Talada ugu horreysa ee aan bulshada siinaya ayaa ah, waa iney raacaan farrimaha iyo wacyigelinta kaga imanaeysa Wasaaraddda Caafimaadka, midda labaad waa iney nadaafadda ku dadaalaan oo markasta gacmaha iska dhaqaan ayna ku dadaalaan iney dadka kala fogaadaan. Haddii aad isku aragto calaamada fayraska Corona fadlan, gurigaaga joog kana fogow dadka kugula nool guria, kadibna la xiriir bahda caafimaadka adigoo si hufan u raacaya talooyinka ay ku siiyaan”. Ayuu yiri Dr. Maxamed Cismaan.

Dr. Ibraahim Guuleed oo ka howlgala Isbitaalka Digfeer ayaa shalay shaaciyey in cudurka laga helay, kadiba uu gurigiisa isku karaantiilay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON