Sunday, July 13, 2025

Dhar lagu xardhay Magaca Madaxweyne Farmaajo oo suuq-xumo ku dhacday Muqdisho [Sawirro]

Suuqyada Dharka ee Muqdisho iyo Carwooyinka ayaa lagu arkay dhar lagu xardhay magaca madaxweynaha Soomaaliya.

Dharkan u badan Saraawiil iyo Shaarar ayaa ganacsatadu sheegeen inay beec u waayeen kadib markii dadka wax iibsanaya laga waayay cid iibsata dharkaasi.

Magacyada kale ee dharka qaarkood ku qoran waxaa ka mida Ra’iisal wasaare Kheyre oo Farmaajo ku wehliya qoraalada lagu xardhay dharkan oo dadkii soo sameeyay ugu talogaleen inay suuq fiican ka helaan xilligan loo diyaar garoobayo ciidul Firtiga.

Lama oga sababta keentay suuq xumida ku habsatay dharka lagu xardhay magacyada madaxweynaha iyo weliba Ra’iisal wasaaraha, waxaase dad badan u aaneynayaan inay tahay khalad ka dhacay ganacstadii faa’iidada ka raadiyay magacyada madaxda cusub ee dowladda Soomaaliya, halka la filayo inay qeyb ka tahay hoos u dhaca taageerada madaxdan.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON