Guddiga Maamulka Doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyay dib u dhac ku yimid Doorashadii kurasta Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo lagu waday inay berri ka dhacdo magaalada Muqdisho.
Qoraal kooban oo Guddiga ay soo saareen ayaa lagu sheegay in maalinta Axada la qaban doono doorashada afarta kursi, isla markaana maalinta Berri ah sababo aan la shaacin dartood.
“Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland wuxuu ogaysiinayaa in dib udhac uu ku yimid qabashada kuraasta tirsigoodu yahay HOP#262 HOP#229 HOP#254 iyo HOP#255, Isla markaana maalinta Axada ee ay bishu tahay 19-Dec-2021 la qaban doono kuraastaas” ayaa lagu yiri war kaso baxay guddiga.
Afartan kursi ayaa diyaarintooda waqti qaadatay iyadoo hab daah furan loo maray, waxaana la diiwaan geliyay ergada kuraasta, iyadoo la shaaciyey odayaasha iyo xubnaha bulshada ee soo xulay ergada.
