Wednesday, June 25, 2025

Digniin laga bixiyay qodob ka mida Dastuurka cusub ee Jubba & awoodda Madaxweynaha maamulkaasi

Aqoonyahano kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka  ayaa digniin ka bixiyay Dastuurka la sheegay in loo ansixiyay Maamulka Jubba oo lagu galayo doorashada la filayo inay magaalada Kismaayo ka dhacdo 15-ka bishan Ogost oo musharaxiinta u tartamaya uu ka mid yahay Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa
Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa C/qadir Lugadheere

Arrinta ugu weyn ee dastuurka laga tilmaamay ayaa la sheegay inay tabay qaabka doorashada madaxda sare ee maamulkaasi oo kaliya la dooranayo madaxweynaha, halka uu madaxweynaha la doorto leeyahay awoodda ugu weyn oo ah inuu isagu soo magacaabo madaxweyne ku xigeenka, iyadoo hal madaxweyne ku xigeen uu yeelanayo maamuka cusub.

Axmed Madoobe oo lagu wado in mar kale doorashada ku soo baxo ayaa yeelan doona awoodda ugu sareysa maamulkaasi ee magacaabidda ku xigeenkiisa oo haddii uu doono xilka ka qaadi karo iyo wasiirada,  taasoo keeni karta inuu isu bedelo kelitaliye; waxayna beelaha ka soo jeeda degaanada Jubba ay welwel ka muujinayaan qaabka loo qoray dastuurka cusub oo ay ku eedeeyeen in si qarsoodi ah koox gaar ah ansaxsatay.

Maamulka Jubba ayaa hadda leh laba madaxweyne ku xigeen oo qaab dib u heshiisiin ah ku yimid, laakiin marka lagu soo koobo hal madaxweyne xigeen waxay dhalin kartaa in beelaha qaarkood ay ka hor yimaadaan.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON