Sunday, July 13, 2025

Diiwaan gelin ku saabsan Mushaar bixinta ciidamada Milateriga oo Muqdisho ka bilaabatay [Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaalya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta daah furay diiwaan gelinta ciidamada xoogga dalka oo markii ugu horeysay la doonayo in askari kasta uu mushaarkiisa ka qaadan doono akoon u gaara.

Wasiir Beyle ayaa  sheegay in arirntan looga gudbayo nidaamka lacagaha kaashka ah gacanta lagu qeybin jiray, taasoo dhibaato weyn ahay muddo dheer, maadaama ciidamada kala joogaan degaano aad u kala fog.

Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle ayaasheegay haddii tallaabadan  si rasmi ah loogu guuleysto inay noqon doonto mid wax badan ka bedasha baahida Ciidanka ay u qabaan helida mushaar joogta ah.

Diiwaan gelinta tooska ah ee  Ciidamada Xoogga Dalka ee Xisaabta shaqsiyadeed loogu furayo askari kasta waxaa  maanta loogu bilaabay Ciidamada Milateriga ee ilaalada Madaxtooyada.

SAWIRRO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON