Tuesday, July 8, 2025

Is-diiwaangelina Musharixiinta madaxweynaha Galmudug oo dib loo dhigay [Magacyada mushariixinta]

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in dib loo dhigay diiwaangelinta musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha maamulka Galmudug.

Is-diiwaangelinta musharixiinta ayaa ku ekeyd 5tii bishan, laakiin Guddiga doorashada Galmudug ayaa sheegay inay kordhiyeen waqtiga oo ilaa 8-da bisha ay socon doonto is-diiwaan gelinta.

Guddiga ma sheegin in doorashada dib loo dhigay iyo in kale, waxaase muuqata in dib u dhac ku imaanayo 10-ka bishan April oo lagu waday inay doorashadu dhacdo sida ay hore ugu adkeysteen Baarlmaanka Galmudug.

Musharixiinta ilaa iminka is-diiwaan geliyay waxaa ka mida:

1 – Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)

2- C/qaadir Shirwac

3- Axmed Shariif Hilowle

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo ku wajahnaa magaalada Cadaado si ay ugu qanciyaan Baarlamaanka Galmudug inay dib u dhigaan doorashada ayaa la sheegay inuu tegi doono Cadaado, iyadoo uu hore uga baaqsaday arrimo farsamo dartood.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON