Wararka laga helayo gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in koox hubeysan ayaa fal dil ah maanta ka geystay degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose.
Dilka ayaa loo geystay qof shacab ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Geeseey ibraahim, waxaana toogasho ku dilay rag Bisloodo ku hubeysnaa oo kadib goobta ka baxsaday.
Ciidamada dowladda oo goobta dilka ka dhacay gaaray ayaan ku guuleysan inay soo qabtaan kooxihii dilka geystay, iyadoo degmada Afgooye ay noqotay mid ka mida meelaha ugu badan ee dilalka qorsheyan ay ka dhacaan.