Wararka laga helay Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in fal naxdin leh oo dil ah uu ka dhacay duleedka degmada Afgooye.Dilka waxaa geystay oday 60 jir ah oo la sheegay inuu walaashiis oo 75 sano jir ahayd uu Toorey qoorta ka geliyay dhowr jeer, ilaa ay ka geeriyootay.
Falkan naxdinta leh ayaa ka dhacay tuulada Doonweyne oo 8 KM u jirtaAfgooye, waxaana dhaliyay muran ku saabsan dhaxal beer ka dhaxeysay labadooda.
Haweeeneyda la dilay ayaa loo diiday inay gasho beer ay dhaxal ahaan isugu heysteen walaalkeed, taasoo ay ka biyo diiday, waxaana markii ay gashay ay dhacday inuu Toorey ku weerarro.
Ciidamada Booliska Afgooye ayaa gacanta ku soo dhigay odaygan dilay walaashiis, waxaana la sheegay in sharciga lagu qaadi doono.
Goobjooge.com