Tuesday, June 24, 2025

Dil toogasho ah oo lagu xukumay Nin ka mida Dableydii Alshabaab ee weerartay Xaruntii C/weli Sh. Cilmi yare, Gaalkacyo

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun Dil toogasho ah ku riday Nin ka mida dableydii weerarka ku qaaday Xarunta Wadaadkii Muranka badan dhaliyey ee C/weli Sheekh Cali Cilmi yare oo la qarxiyey 26-kii Janaayo 2018.

Maxkamdeynta ninkan ayaa maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo, waxaana halkaasi ku sugan madaxda Makamadda ciidamada oo uu ka mid yahay Guddooomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka, iyadoo lasoo taagay eedeysane Cabdullaahi Cali Aadan.

Waxaa lagu soo eedeeyay C/llaahi Cali Aadan in ka tirsanaa Alshabaab, isagoo uga biiray degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay, kana qeyb qaatay weeraro iyo dilal loo geystay askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ka dhacay meelo kala duwan.

Guddooomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute  ayaa ku dhawaaqay in Cabdullaahi Cali Aadan uu ka tirsanaa Al-Shabaab, denbigii uu galayna lagu caddeeyay, sidaas darteed ay Maxkamaddu ku xukuntay Dil toogasho oo racfaan ka furan yahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON