Friday, April 19, 2024

Xubno lagu tuhmay inay Qaraxyo ay u diyaarinayeen Magaalada Kismaayo oo howlgal lagu qabtay

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in howlgal ay sameyeeen ciidamada Amniga magaaladaasi lagu soo qabtay xubno la sheegay inay diyaarinayeen qaraxyo ka dhaca magaalada Kismaayo.

Howlgalka ciidamada oo yimid kadib xog laga helay inay magaalada Kismaayo ku jiraan xubno ka mida Alshabaab oo qorsheynaya qaraxyo ka dhaca magaalada ayaa lagu soo qabtay dad dhowr ah oo ay ku jiraan ilaa 4 qof oo mid ka mida ay tahay haweeney, lagana shakisan yahay; waxaana la sheegay inay faraha kula jireen howlo argagixiso iyo qorsheynta weerarro lagu qaado hoteelo iyo xarumaha maamulka Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Afhayeenka wasaarada amniga ee Maamulka Jubbaland ayaa laga soo xigtay in howlgalka ka socda magaalada Kismaayo uu yahay mid lagu xoojinayo Amniga oo ilaa hadda lagu soo qabtay in ku dhow 10 qof oo looga shakisan Alshbaab, iyado uu baaritaan ku socdo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON