Thursday, June 26, 2025

Dil uu geystay Askari Somali-American ah oo xiisad ka dhex dhaliyay Mareykanka & Australia

Sarkaal ka tirsan Booliska Mareykanka ee magaalada Minneapolis ayaa xiisad ka dhex abuuray dalalka Mareykanka iyo Australia, kadib markii uu toogasho ku dilay haweeney kasoo jeeda dalkaasi.

Ra’iisalwasaaraha Australia ayaa sheegay in uu jawaabo ka dalban doono dalka Maraykanka si wax looga ogaado dilka aan faahfaahinta badan laga haynin ee askariga Maraykanka ah uu u gaystay gabadh Australian ah.

Justine Damond oo asal ahaan ka soo jeedda magaalada Sydney ayaa lagu dilay magaalada Minneapolis ka dib markii ay iyadu u yeertay booliis iyada oo ka shakiday in ay macquul tahay in uu fal dambiyeed dhaco.

Xukuumadda Maraykanka ayaa arrintaas baaritaan ku haysa, waxayse sheegtay in aysan ku qasbikarin askariga in uu caddaymo bixiyo.

Ra’iisalwasaare Turnbull ayaa sheegay in ay xukuumaddiisa ay ka go’antahay “sida masiibadan ay u dhacday”.

Mohamed Nuur - Sarkaal Booliska Minnesota ka tirsan oo asalkiisu Soomaali yahay
Mohamed Nuur – Sarkaal Booliska Minnesota ka tirsan oo asalkiisu Soomaali yahay

“Siday ku dhici kartaa in haweenay qabta dharkii jiifka oo codsatay gargaar in sidaa loo toogto?” Ayuu ku yiri warbaahinta gudaha ee Nine network.

Ra’iisalwasaaraha Australia ayaa sheegay in uu jawaabo ka dalban doono dalka Maraykanka si wax looga ogaado dilka aan faahfaahinta badan laga haynin ee askariga Maraykanka ah uu u gaystay gabadh Australian ah.

Justine Damond oo asal ahaan ka soo jeedda magaalada Sydney ayaa lagu dilay magaalada Minneapolis ka dib markii ay iyadu u yeertay booliis iyada oo ka shakiday in ay macquul tahay in uu fal dambiyeed dhaco.

Xukuumadda Maraykanka ayaa arrintaas baaritaan ku haysa, waxayse sheegtay in aysan ku qasbi karin askariga in uu caddaymo bixiyo. Sarkaal asalkiisu Soomaali yahay oo lagu magacaabo Maxamed Nuur ayaa lagu eedeeyay falka dilka ah, iyadoo olole weyn oo lagu beegsanayo sarkaalkan uu socdo.

Malcolm Turnbull ayaa jawaabo ka dalban doona Maraykanka

Ra’iisalwasaare Turnbull ayaa sheegay in ay xukuumaddiisa ay ka go’antahay “sida masiibadan ay u dhacday”.

Waa dil argagax leh, jawaabo ayaana dalbanaynaa anaga oo ku hadlayna magaca qoyskeeda.”

Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warrantay in haweenaydaasi oo 40 jir ah oo qabtay dharka jiifka ay u dhaqaaqdan dhanka gaarigii uu booliisku watay markii la toogtay Sabtidii.

SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON