Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in falal dil ah oo salka ku haya aargoosi beeleed ay ka dhaceen magaaladaasi, iyadoo lagu dilay laba askari.
Waxaa xalay iyo saaka magaalada Cadaado lagu dilay askar ka kala tirsan Booliska iyo Militariga, waxaana dilkii ugu danbeeyay ee saaka ka dhacay Cadaado lagu dilay askari ka tirsan Milateriga.
Wararka ayaa sheegay in falalkan ay la xiriiraan xiisad iyo aano qabiil oo u dhaxeysa laba beelood oo askarta la dilay ay ka kasoo kala jeedaan, waxayna arrintan saameynteeda gaartay magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Maleeshiyooyin kala taabacsan laba beelood ayaa ka taagan magaalooyinka Cadaado iyo Hobyo, iyado digniin laga bixiyey in xaaladdu kasii darto.