Tuesday, July 15, 2025

Diyaarad ay la socdeen Wasiiro & Xildhibaano Soomali ah oo ku sigatay inay ku burburto Garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi

Diyaarad ay leedahay Shirkadda Daallo ayaa si degdeg ugu degtay Garoonk ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib markii ay cilad qabsatay.

Diyaaradda waxaa la socday 120 Rakaab ah oo ay ku jireen 3 Wasiir, 10-Xildhibaan, waxaa kaloo saarnaa Taliyihii hore ee Hay’adda NISA C/raxmaan Tuuryare, waxaana la sheegay inay si degdeg ah u caga-dhigatay Garoonka Jomo Kenyatta International Airport  ee magaalladda Nairobi.

Cilad dhinaca matoorka ah ayaa soo wajahday Diyaaradda Daallo, waxaana isla markiiba garoonka Jomo Kemyatta loogu diyaariyay Dab-damis iyo gurmad degdeg ah, waxaana heegan la geliyay dadkii la tacaali lahaa haddii ay dhibaato ku dhacdo diyaaradda caga-dhigato Garoonka Jomo Kenyatta.

Mid ka mid ah Rakaabka la socday Diyaaradda oo lagu magacaabo  Maxamed Jaamac ayaa sheegy inuu qorshuhu ahaa inay Diyaaraddu ku degto Garoonka Wajeer ee W/Bari Kenya, balse loo diiday fasax ay ku soo degi karto.

Waxa uu intaasi ku daray inay si toos ah ugu soo duuleen Garoonka Nairobi, wuxuuna xusay inay cillad dhinaca Matoorka ay sababtay arrintaasi.

Si kastaba ha ahaatee, ma ha markii ugu horreysay ee ay Diyaaraddaha Shirkadda Daallo la soo gudboonaadaan Cillado dhinaca Makaanikadda ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON