Thursday, January 20, 2022

Abwaano Gabayo amaan ah u tiriyay Madaxweyne Farmaajo oo lagu xiray Burco [Daawo Gabayada

Wararka laga helayo magaalada Burco ayaa sheegaya in ciidamada Booliska magaaladaasi ay xabsiga dhigeen nin lagu magacaabo Abwaan Maxamed C/laahi (Galayr) oo dhowaan tiriyay gabay uu ku amaanay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo.

Abwaankan oo ka mida kuwa dhalinyarada ee caanka ka degaanada Somaliland ayaa dareenkiisa ku muujiyay soo dhoweynta  iyo hambalyada Madaxwenyaha Cusub ee dalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Waxaa gabayga kala qeyb qaadanaya abwaa kale oo lagu magcaaabo Cali Dhanaaneeye, ayaa hordhaca gabaygooda ku sheegay inay soo dhowdahay midnimada Soomaaliyeed oo laga adkaanayo faragelintii Itoobiya.

Ad

Ciidamo ku raadjoogay abwaankan ayaa maanta qabtay kadibna xabsiga dhigay, iyadoo la baadi goobayo abwaanka kale. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Abwaan Maxamed Galaydh ku xiran yahay xabsiga Burco, loona heysto gabayada ay ku amaaneen Madaxweyne Farmaajo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,859FansLike
2,535FollowersFollow
5,939FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,859FansLike
2,535FollowersFollow
5,939FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!